DFS oo soo bandhigtay tirada Soomaalida ka carartay colaada Sudan

Apr. 30 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay soo bandhigtay tirada dadka Soomaalida ah ee isaga baxsatay colaada todobaadkii saddexaad ka socota dalka Suudaan.

Safiir kuxigeenka safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan Amb Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in 1,500 oo qof oo isugu jira ardey iyo dad kale oo Soomaaliyeed ay ka baxsadeen dalkaasi, si ay uga badbaadaan dagaalada u dhexeeya Jeneraalada ugu awooda badan wadankaasi.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Sudan, South Sudan iyo Itoobiya oo kaashanaya wasaarada arrimaha dibadda ay dadaalkooda ugu badan isugu geynayaan sidii dadka waxyeelada ay gaartay gurnad deg deg ah loogu sameyn kahaa.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu dhinaca kale ka dalbday iney dowladda ka taageeraan caawinta dadkan oo u badnaa ardey u waxbarasho doonatay wadankaasi.

Si kastaba, xaaladda wadanka Sudan ayaa wali ah mid cakiran, dagaalo iyo qaraxyo ayaa socda, xili 72 saacadood oo cusub lagu kordhiyay xabad joojinta ay gadaal ka riixayaan beesha caalamka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More