DFS oo xil sare u magacawday Agaasime kuxigeenkii madaxtooyada Puntland

Jun. 08 (Jowhar.com)-Golaha Wasiirada XFS ayaa u magacaabay Abdiweli Timacadde Maareeyaha Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (National Identification and Registration Authority).

Cabdiweli Timacadde ayaa horay u soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Puntland, inkastoo uu iska casilay xilkaasi.

Mr, Timacade ayaa kamid ahaa kooxdii Ole-olaha Siciid Deni ee doorashadii Muqdisho, isagoo qaabilsanaa galka Muqdisho, balse xiligii laga adkaaday Deni ayay kala tageen, isagoo iska casilay xilkii Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Puntland.

Mas’uulkan waxa uu kasoo jeedaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay uu ka socdo dagaal u dhexeeya Somaliland iyo Isimada dhaqanka SSC.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More