Gudoomiyaha Gedo oo iska diiday xil ka qaadista Axmed Madoobe, go’aan culusna ku dhawaaqay

Jun. 08 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Garaad ayaa iska diiday xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha maamulka Jubaland iyo maamulka cusub uu toodbaadkan u magacaabay gobolkaasi gedo.

Axmed Buule Garaad ayaa si cad u sheegay inuu isagu yahay gudoomiyaha saxda ah ee gobolka, wuxuuna shaaciyay ineysan quseynin warqadii dhawaan kasoo baxday madaxweyne Axmed Madoobe.

“Nama quseyso waxa uu magacaabay Axmed Madoobe, mana jirto cid ka socota maamulkiisa ama taageersan oo imaan karta gobolka Gedo” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule.

Waxa uu sheegay inuu wado qorshe uu kumideynayo degmooyinka gobolka Gedo, maadaama sida uu yiri isagu yahay madaxweynaha saxda ah ee gobolkaasi.

“Waxaan ahay madaxweynaha xorta ah ee Jubbaland, waxaana wada qorshahii aan ku mideyn laha Jubbaland sax ah oo aan maamul ugu dhisi laha gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule.

Si kastaba, arrintan ayaa circa sii galineyso murankii ka taagnaa goblkaasi gedo oo sanadihii lasoo dhaafayba soo jireen ahaa, lamina oga halka ay xiisada ku biya shuban doonto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More