Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay madafaiic lagu garaacay Laascaanood

Aug. 13 (Jowhar.com)-Warrarka ka imaanaya magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in madaafiic teel teel ah oo tan iyo saaka ku soo dhacaysay gudaha magaalada lagu dilay afar qof, sida dad goobjoog ah ay BBC-da u sheegeen.

Sedex qof ayaa ku dhintay bakhaar magaalada ku yaala oo uu madfac ku dhacay, halka nin nabadoon caan ahaa, uu isna ku dhintay madfac ku dhacay goob uu joogay.

Dhinaca kale rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa aaggaga ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ee duleedka Laasacaanood.

Faahfaahin badan lagama hayo sida ay wax uga socdaan jiiddaha hore ee dagaalka ee magaalada Laasacaanood oo muddo dhawr bilood ahba ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More