Doorashada 3 kursi oo lagu qabanayo Dhuusamareeb oo la shaaciyay

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay habraaca saddex kursi oo doorashadooda la qabanayo 25-ka bishan Febraayo. Mid ka mid ah kuraasta la shaaciyay ayaa ah #HOP137, kaasoo ah kursiga Beesha uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kursigan loo xiray nin dhalinyaro oo lagu magacaabo C/risaaq Xusul oo la sheegay inuu wato Fahad Yaasiin Taliyihii hore NISA.

Afarta kursi ee Beelaha uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaan hal kursi talo laga siin dhammaan kuraasta beelaha Waceysle ee Galmudug, iyadoo Musharaxiinta kale ee ka soo jeeda Galmudug sida Farmaajo, Xasan Kheyre iyo Musharaxiin kale laga tixgeliyay kuraastooda, waxaana tani ay bannaanka u soo saartay dagaalka tooska ah ee Madaxweyne Qoorqoor ee ka dhanka ah Xasan Sheekh Maxamuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More