Doorashada 3 Xildhibaan oo saaka ka dhacday magaalada Muqdisho

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka doorashada saddex kursi oo ka mid ah golaha shacabka kuwaasoo laga soo doorto gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Saddex xildhibaan oo mid ka mid ah ay tahay haween ayaa lagu doortay Dugsiga General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Kursiga koowaad ee ahaa HOP#243 ayaa waxaa ku soo baxday oo ku guuleysatay Samsam Muxumed Cumar kadib markii ay tanaasushay musharaxii la tartamaysay Dallays Cali ibraahim.

Sidoo kale waxaa lagu doortay magaalada Muqdisho kursiga Hop#206 waxaana ku guuleystey Maxamed Ibraahim Cabdi.

Ugu dambeyn kursiga saddexaad oo ahaa Hop#206 ayaa waxaa ku guuleystey Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis.

Guddiga hirgalinta doorashada labada gole ee gobollada Woqooyi {Somaliland} ayaaa maanta soo geba gabeeyay doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana uu noqonayaa guddigii ugu horreeyay ee doorashada gebagabeeyay iyadoo aan la gaarin waqtigii loo qabtay oo ah 25 bishaan.
Tirada guud ee Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ku matalaya Somaliland oo ah 57 xubnood ayaa lagu doortay caasimadda dalka ee Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More