Dowlada Itoobiya oo shuruud ku xirtey wadahadal ay la yeelato TPLF

Dowlada Itoobiya ayaa shuruudo adag ku xirtey in wadahadal ay la yeesheen jabhada TPLF oo ka dagaalanta waqooyiga dalka Itoobiya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Diina Muftii ayaa sheegay in jabhadda TPLF looga baahan yahay inay ka soo baxaan dhowr shuruudood.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku sheegay haddii la donayo dagaalka in nabad lagu soo afjaro TPLF looga baahan yahay iney seddex arrimood sameeyaan.

“Waa iney fallaagada TPLF ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen deegaannada Amxaarada iyo Cafarta, Iney aqoonsadaan dowladda dhexe ee dalka ka arrimisa iyo xoogagga TPLF weerarrada ay fulinayaan iney joojiyaan,” ayuu yiri afhayeenka.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa horay u sheegay in ka bixitaanka Axmaarada iyo Canfarta ka hor inta aan wada hadalada la bilaabin ay tahay wax aan bilow ahayn.

Ciidamada Tigreega ayaa todobaadkii hore sheegay in ay qabsadeen deegaanka Kemise oo 325km (200 mayl) u jirta Addis Ababa, balse dawladdu waxay ku eedaysay kooxaha ka soo horjeeda inay buunbuuniyeen guulihii dhuleed ee ay gaadheen, waxayna ku adkaysanayaan in colaaddu aanu imanayn caasimadda.

Kooxda TPLF ayaa dalbanaysa in la soo afjaro waxa ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay go’doominta dhabta ah ee bini’aadantinimo ee lagu hayo Tigrayga, halkaas oo boqolaal kun oo qof la rumaysan yahay in ay ku nool yihiin xaalado macaluul oo kale ah.

Toddobaadkii hore, dawladdu waxay soo rogtay xaalad degdeg ah oo waddanka oo dhan ah, taasoo sababtay in dad badan la xabsigala dhigo.

Ilaa 22 ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa lagu xiray hawlgallada ay kooxaha xuquuqul insaanka ku sheegeen in lagu bartilmaameedsaday qowmiyadda Tigreega.

QM ayaa sidoo kale qeylo dhaan ka soo saartay ilaa 72 darawal oo ay qandaraas la gashay hay’adda cunnada Adduunka ee WFP kuwaas oo lagu xiray Canfarta.

Dawladdu waxay xariga noocan ah ku tilmaantay qayb ka mid ah dadaalka sharciga ah ee lagu ciribtirayo kooxda TPLF.

Mar wax laga weydiiyay xariga, Dina waxa uu sheegay in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku nool Itoobiya ay ixtiraamaan sharciga dalka. “Waxay ku nool yihiin Itoobiya, ee kuma noola hawada sare. Haddi ay tahay shaqaale UN ama AU ah, waa lala xisaabtamayaa,” Dina ayaa raaciyay, inkastoo uu qiray in “khaladaadka la samayn karo” lana baari doono.

Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya ka socda ayaa billowday 4-ta bishii November 2020-ka kaddib marki ay dowladda dhexe ee Itoobiya sheegtay xogagga TPLF iney weerareeen saldhigga waqooyi ee ciidamada Federaalka ay ku lahayeen magaalada Maqale.

Dagaalka Deegaanka Tigraay ka soo billawdayna wuxuu ku sii baahay deegaannada Amxaarada iyo Cafarta oo bilooyinki u dambeeyey dagaalka xooggiisa uu ka socdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More