Dowlada Soomaaliya oo sheegtay inay duqeyn ka dhacday Galmudug ay ku dishey 150 Alshabaab ah

Sep 03 (Jowhar.com)-War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Dowlada Soomaaliya ayaa loogaga hadlay weerar duqeyn ah oo ka dhacday deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug.

Duqeyntan ayay Wasaarada Warfaafinta ku sheegtay inay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ah.

“Waxaa howlgalkan lagu beegsaday xaruntaasi oay Khawaarijtu ku lahayd duleedka Dumaaye halkaas oo ahayd mawlaca ay Khawaarijtu horray uga dhacday culumada deegaanka, una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, ku diyaariyaan qaraxyada, hoyna u ahayd horjoogeyaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah.”ayaa lagu sheegey war saxaafadeedka.

“Howlgalkan xilligii uu dhacayay ayay dowladu sheegtay in ay ku faylsanaayeen maleeshiyaad gaaraya saddex boqol, kuwaasoo lagu diley illaa 167 ka tirsan Khawaarijtii goobta taagnaa oo ay ku jiraan sadex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta dowlada Soomaaliya.

Halkan ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay wasaarada warfaafinta dowlada Soomaaliya;

+

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More