Dowlada Soomaaliya oo xaqiijisay in Turkiga Qodista shidaalka bilaabayo 2025

April 20 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka Turkiga uu ka bilaabi doono dalka Soomaaliya qodista shidaalka sanadka soo socda 2025.

Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamed Xaashi Carrabey, oo wareysi siiya laanta afka soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in war ka soo baxay Turkiga ee la xiriira bilaabida qodista shidaalka uu sax yahay.

“Sax waaye, heshiiska ayay qeyb ka tahay. Waa inay baaraan kadibna ay sameeyaan shidaal qodista,waxaana laga bilaabaya xeebaha Baraawe iyo Hobyo” ayuu yiri Agaasime Carabey.

Wasiirka Tamarta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu sanadka 2025-ta ka bilaabo Soomaaliya howlo shidaal qodis ah, gaar ahaanna badaha Soomaaliya, sida u usheegay wasiirka tamarta ee dalkaas.

“Waxaa jirta meel ku taal badda Soomaaliya oo aan u aragno inay ku jiro kayd shidaal, waxaan billaabi doonnaa shaqada samahinta ‘seismic-ka’, waxaan rabnaa inaan sameyno qodista badda qoto dheer sannadka 2025,” ayuu yiri Alparslan Bayraktar.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, kaasoo sii xoojinaya xiriirka ka dib markii ay ku heshiiyeen heshiis difaac ah sanadkan.

Heshiiska waxaa ka mid ah gaadiidka, qeybinta, sifeynta, iibinta iyo howlaha adeegyada shidaalka iyo badeecadaha kale ee laga helo mashaariicda dhulka iyo badda.Bishii Febraayo, Turkiga waxa uu Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More