Dowlada Uganda oo lagu xukumay inay siiso wadanka DRC magdhow gaaraya $325m

Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii ku xukuntay Uganda inay siiso Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) $325m oo magdhow ah taasoo la xiriirta dagaalkii arxan darada ahaa ee u dhaxeeyay wadamadan deriska ah billowday dabayaaqadii 1990-meeyadii.

“Maxkamaddu waxay xustay in magdhowga lagu abaalmariyay DRC waxyeelada dadka iyo hantida ay ka tarjumayso waxyeelada soo gaaray shakhsiyaadka iyo bulshooyinka taasoo ka dhalatay jebinta Uganda ee waajibaadkeeda caalamiga ah,” ayuu yiri madaxweynaha maxkamadda Joan E Donoghue oo ah garsoore Mareykan ah .

Amarka magdhawga ah ayaa yimid in ka badan 15 sano kadib markii maxkamada Qaramada Midoobay ay xukuntay xukun adag oo ka kooban 119 bog oo ah in dagaalka ay ciidamada Uganda ka wadaan DRC uu jabiyay sharciga caalamiga ah.

Sannadkii 2005-tii maxkamadda ICJ waxay xukuntay in Uganda ay bixiso magta, laakiin waligeed ma bixin.

Lacagta la xukmiyay ayaa aad uga hooseysa codsigii ahaa in ka badan $11bn oo ah magdhow DRC ay ku dalbatay qabsashada gobolka Ituri ee waqooyi-bari.

Maxkamaddu waxay magdhowga u kala qaybisay qaybo kala duwan oo khasaare ah. Waxay qiimaysay $225m “khasaarada nolosha iyo waxyeelada kale ee dadka” oo ay ku jiraan kufsiga, askaraynta carruurta iyo barokaca ilaa 500,000 oo qof.

Waxay qiimaysay $40m oo kale oo ah burburka hantiyeed iyo $60m ee waxyeelada khayraadka dabiiciga ah, oo ay ku jiraan dhaca dahabka, dheemanka, alwaaxyada iyo alaabaha kale ee ciidamada Uganda ama fallaagada ay taageerayaan.

Xukunka ay gaartay maxkamada fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa dharbaaxo ku ah DRC kadib dagaal dheer oo dhanka sharciga ah oo lagu doonayay in magdhow lagu bixiyo iskahorimaadyadii ba’naa ee 1998-2003 oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

Garsoore Donoghue ayaa sheegay in ay jirto cadeymo ku filan oo lagu taageerayo sheegashada DRC ee 180,000 ee dhimashada rayidka taasoo Uganda ay ku leedahay magdhow.

“Maxkamaddu waxay tixgalinaysaa in caddaymaha la horkeenay ay muujinayaan in tirada dhimashada ee Uganda lagu leeyahay magdhaw ay hoos ugu dhacdo inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 15,000 oo qof,” ayay raacisay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More