Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaannada DF iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, Saraakiil, Odoyaasha dhaqanka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay ujeedada safarka uu ku tagay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku sheegay inay tahay sidii uga qeybgali lahaa doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaan u tartamayaa mid ka mid kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Waxaan rajaynayaa doorasho hufnaan iyo daahfurnaan leh” ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxtinimada dalka waxana uu xubin ka yahay Golaha Midowga Musharaxiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More