Dowladda Baxrayn oo u yeertay Danjirihii u joogay Israel

Nov 03 (Jowhar.com)-Bayaan ka soo baxay Barlamaanka dalka Baxrayn ayaa lagu ayiday inuu Safiirka Israel isaga baxo dalkaasi, xilli Danjiraha Baxrayn u jooga Israel loo yeeray.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in la joojiyey Xiriirkii Dhaqaale ee lala lahaa Israel.

Barlamaanka dalka Baxrayn waxa uu sheegay inuu Mowqifkaas Taariikhiga ah ka turjumayo Taageerada Baxrayn ee Qaddiyada Reer Falastiin iyo Xuquuqda Mashruuceed ee Shacabka Reer Falastiin ee Walaalaha ah.

Shalay ayey ahayd, markii ay Dowladda Urdun u yeertay Danjirihii u joogay Israel, sababo la xiriira Duqeymaha ay Milliteriga Israel ku hayaan dadka Reer Falastiin ee ku sugan magaalladda Qasa ee go’doonsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More