Dowladda oo 22 saac kadib soo afjartay weerarkii Hoteel Rays.

Nov. 28 (Jowhar.com) -Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney soo afjartay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay fiidkii hore ee xalay ku gashay dhismaha hoteelka Rays oo ku yaala xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka booliska Sadiiq Doodishe oo suxufitiinta la hadlay ayaa sheegay in la toogtay dhamaan dableydii weerarka ku gashay hoteelka, wuxuuna amaanay ciidamadda amniga ee howlgalka waday ilaa xalay.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in lagu guuleystay in la soo badbaadiyo dad badan oo shacab iyo mas’uuliyiin isugu jira kuwaasoo ku sugnaa hoteelka xiliga la weerarayay.

Inkabadan 10 ruux ayaa ku geeriyootay weerarkan oo noqonaya kii 3aad ee culus oo Shabaab ka geysato caasimada, weerarkan waxaa ka horeeyay kii Xayaat Hoteel ee dhacay bishii August iyo weerarkii Zoobe 2.

Su’aalo badan ayaa ku gedaaman weerarka hoteelkan oo ay ugu horeyso sida Dableyda Shabaab ay kaga talaabeen baraha Kontorool ee ka horeeyay dhismaha hoteelka iyo sida ay hubka ugala talaabeen aagaasi oo ah mid si weyn loo ilaaliyo.Dowladda oo 22 saac kadib soo afjartay weerarkii Hoteel Rays.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More