Dowladda oo sheegtay in 20 Shabaab ah ay ku dishay howlgal ka dhacay Shabeelloow

Oct 09 (Jowhar.com)- Hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku dhuumanayay hawdka deegaankaas, waxaana uu ku soo dhamaaday guul.

Hadafka koowaad ee hawlgalka ayaa ahaa burburinta gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa.

Si dhamaystiran ayaa loo burburiyay gaadiidkaas waxaana goobta ku halaagsamay maleeshiyaadkii Shabaabka ahaa oo gaaraya ilaa iyo 20 dhagarqabe, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta dowladda Soomaaliya

Sidoo kale waxaa la gubay dhammaan agabkii Shabaab ee saarnaa gaadiidkaas.

Shabeelloow oo Maalmo ka hor kooxdan loogu gaystay jab aad u xooggan ayaa ah goob ay isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku harsan Koofurta gobalka Mudug, waxaana ku hareeraysan Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka Deegaanka kuwaas oo horay Khawaarijta uga sifeeyay inta badan Gobalka Mudug

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More