Wararkii u danbeeyay dagaalka Isra’il iyo Falastiin iyo dhimashada oo gaartay 1,100 oo qof

Oct 09 (Jowhar.com)-In ka badan 1,100 oo qof ayaa kaga dhintay labada dhinac ka dib weerar ballaaran oo ay qaadeen Xamaas oo bilowday subaxnimadii Sabtida.

Soddon iyo lix saacadood ka dib markii ay bilowdeen dagaaladii ugu dambeeyay, waxaa wali laga soo ridayaa Qasa gantaallo lagu garaacayo koonfurta Israa’iil

Duqeymaha aargoosiga ah ee Israel ayaa barakiciyay 123,000 oo qof oo falastiiniyiin ah oo ku nool Qasa iyadoo ku dhawaad 74,000 oo qof ay gabbaad ka dhigteen iskuullo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Cusbitaallada Qasa ayaa wajahaysa koronto la’aan. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in isha kaliya ee tamarta ee Qasa laga yaabo in maalmaha soo socda ay noqoto koronto la’aan isla markaana uu shidaalku ka dhamaado matoorrada.

Dhowr waddan ayaa sheegay in kooxda Xamaas ay dileen ama afduubteen muwaadiniin u dhashay dalalkaas

Maraykanka ayaa Markab uu leeyahay oo qaada diyaaradaha waxaa uu ku soo dhawaaday Israa’iil wuxuuna sheegay in uu hub badan soo diri doono, tallaabadaas oo Xamaas ay cambaaraysay kuna tilmaantay “gardarro”.

Saraakiisha Mareykanka ayaa filaya in Israa’iil ay duulaan dhulka ah ku qaaddo Qasa 48-da saacadood ee soo socota

Qiimaha saliidda ayaa sare u kacay Isniinta maanta ah sababo la xiriira walaac laga qabo in dhacdooyinkii u dambeeyay ay ay saameeyaan wax soo saarka Bariga Dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More