Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo Mino baar ah u dirtay howlgalka gobolka Hiiraan.

June 28 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo Miino Baaris ah u dirtay gobolka Hiiraan, halkaasoo mudo bil kabadan uu ka socda howlgal ka dhan ah Shabaab inta u dhexeysa Beledweyn iyo Matabaan.

Sida wararku sheegayaan, ciidamadda oo ka baxay Muqdisho ayaa la filayaa iney ka degaan degmada Guriceel, halkaasoo la filayo in gawaari loo diyaariyay looga sii qaado, waxaana ciidamaddan wasaarada gaashaandhigga ka dalbay Saraakiisha qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Ciidamadda Xoogga dalka ayaa waxaa ku adag iney tagaan deegaanada qaar oo ay shabaab ku sugnaayeen, iyagoo ka cabsi qaba qaraxyo culus oo Miinooyin ah oo wadooyinka lagu qariyay, iyadoo shalay qaraxyo darteed ay ciidamadda isaga soo bexeen deegaanka Qabno oo qaraxyo lagula eegtay.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo howlgalkan hoggaaminaya ayaa shalay ka badbaaday isku day dil ahaa kadib markii kolonyo gaadiid ah uu watay loo dhigay qarax, wuxuuna qaraxa qabaaday gaari ay saarnaayeen askar iyo suxufiyiin, 3 qof ayaa ku dhimatay, halla tiro intaa ka badanna ay ki dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawaca ah ku jira laba suxufi.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More