Baaritaanada weerarkii Beerta Nabadoon Yaasiin ee Gaalkacyo oo la soo gaba-gabeeyay.

June 28 (Jowhar.com)-Puntland ayaa soo gaba gabeysay baaritaano ay todobaadyadan ku heysay kiiska weerarkii lagu qaaday Beerta Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad ee magaalada Gaalkacyo,iyadoo goobta la weeraray uu ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaiid Muuse.

Guddi ka kooban Lix xubbood oo puntland u saartay kiiskan ayaa soo soo bandhigay xadiga Khasaaraha ka dhashay dhacdadaas iyo cidda mas’uuliyadeeda leh, waxaana guddigu ku taliyay in maamulka uu bixiyo Khasaarihii meeshaas ka dhacay naf iyo maalba, islamarkaana Raalli-gelin siiso dadkii waxyeelladu gaartay.

Sida ay muujineyso natiijada baarista, dhacdadaas waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidanka PSF ee ilaalinayay goobta, halka ay ku dhaawacmeen Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad, Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac (Koomaad) iyo askari kale oo ka tirsan PSF.

Guddiga ayaa sidoo kale caddeeyay in dhibaatadii halkaas ka dhacday ay mas’uul ka yihiin, Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska Gobolka Mudug ee dhaawacan, G/dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac Koomaad iyo Taliyaha Saldhiga Siinaay ee magaalada Gaalkacyo, Laba Xiddigle Siciid Salaad Kadawo.

Ugu danbeyntii, Guddiga Lixda xubnood ka kooban ee kiiskan baaritaanadiisa waday ayaa Taliska Booliiska ugu baaqay in uu tallaabo ka qaado Saraakiisha ku eedaysan in ay mas’uul ka yihiin falkaas

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More