Dowladda soomaaliya oo ka jawabatay eedeynta uga timid Somaliland.

June 29 (Jowhar.com)-Wasiirka diinta iyo awqaafta dowladda federalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa ka jawaabay eedeyn culus oo uga timid Somaliland, taasoo la xiriirta in la musuq maasuqay saamigii ay ku lahaayeen xujeyda sanadan.

Waxa uu wasiirka beeniyay in la siyaasadeeyay Xajka sanadan, wuxuuna sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in nidaamka beelaha ee 4.5 lagu qeybsaday tirada Sucuudiga uu sanadan siiyay iney Soomaaliya ka soo xajiso.

โ€œRuntii waxaan ognahay xujeydii Soomaaliyeed ee ka bixi lahayd Hargeysa waa la cadaadiyay, waa la siyaasadeeyay. Ma doonayn shacabkaas Soomaaliyeed ee halkaas ku nool in la dibaateeyo, madaxweynuhu arrintaas wuu iga hadlay,โ€ ayuu yiri wasiirka Diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkaddaha ku guulaystay qaadista Xujeyda ay ku cadaadiyeen inay Somaliland ka qaadaan 800 oo xujey ah, balse wuxu tilmaamay in Somaliland ay ka hor yimaadeen.

Si kastaba, Somaliland ayaa iska diiday in sanadan ay deegaanadeeda ka dhoofaan xujeyda, taasoo keentay in xujeyda Somaliland ay ka duulaan garoomo ku yaala magaalooyinka Jigjiga iyo Garoowe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More