Dowladda Soomaaliya oo muddo 7 cisho gudahood ku amartay inuu dalka uga baxo Kuxigeenka Midowga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Kuxigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah gudahood.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in Mr Mulongo uu ku gudajiray howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga.

Diblomaasigan ayaa loo jaray Persona Non Grata oo ah nin aan dalka laga rabin.

Simon Mulongo ayaa ah Diblomaasi u dhashay dalka Uganda, isagoo Kuxigeen u ahaa Amb. Madiera Ergeyga Midowga Afrila u qaabilsan Soomaaliya

Waa Diblomaasigii labaad oo dowladda Soomaaliya u jarto Persona Non Grata, iyadoo sanadkii 2019 dowladda Soomaaliya dalka ka eriday Wakiilkii Qaramada Midoobey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More