Eng Cabdirashiid;”Heshiiska Shidaalka waxaa ila ogaa Farmaajo waxaana lagu qaatay 7 Malyan oo Dollar”

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ka warbixiyay heshiiska uu sheegay inuu la gaaray shirkadda Coastline Exploration LTD taasoo ay shidaal uga soo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay VOA ayuu ku xaqiijiyay in heshiiska Shidaalka uu la ogaa Madaxweyne Farmaajo, isla markaana lagu qaatay lacag dhan 7 milyan oo dollar isla markaana la saxiixay 15kii bishan Febraayo.

“Aniga iyo Madaxweyne Farmaajo aad ayaan isaga war qabnay muddo dheerna waan ka wada shaqeyneynay heshiiskan, hadey noqoto, sharcigii batroolka, in shirkadaha aan heshiiska la gaarnay ay Xamar yimaadaan, intaba madaxweynaha ayaa si gaar ah howshaan iila waday.” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Batroolka ayaa waxa uu wareysiga ku sheegay in heshiiskaan uu soo bilaawday sanadkii 2013-kii, xiligaas oo dalka uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay ku jireen dhameystirkii heshiiskaan.

“Waxaan heshiiskaan saxiixay 15-kii bishaan, hadii qalad ku jirana ma aana shaaciyeen, shirkadaan Soomaaliya waxay horay uga heysatay qandaraas ay siisay dowladdii Xasan Sheekh, hadana waan dhameystirnay un, bishii 1-aad ee 2020-kii ayaan Xamar keenay shirkadaha si heshiiskaan aan u kala saxiixano, laakiin dib u dhac farsamo ayuu xiligaan kusoo gaaray,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka Batroolka ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay halka ay ku yaalaan xirmooyinka uu saxiixay isagoo sheegay inay ku kala yaalaan dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

“Xirmo kasta oo heshiiskaas ah markii la saxiixo waxuu leeyahay lacag hal milyan oo dollar ah, waxuu heshiiskaasi dhigayaa in mudo bil gudaheed ah lacagtaas ay ku soo dhacdo Bangiga Dhexe, dowladda Soomaaliya ayaana iska leh, todoba xirmo ayaan saxiixnay, 7 milyan ayaana bishaan gudaheeda ku soo dhaceysa Bangiga Dhexe,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka.

Inkastoo uu wasiirka batroolku uu sheegay in uu la ogaa Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday heshiiskan ayaa hase ahaatee qoraal ka soo baxay Madaxtooyada lagu beeniyay in Farmaajo uu heshiiska wax ka ogaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More