Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada oo hakiyay natiijada Kursiga HOP#45

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee Kursiga Golaha Shacabka HOP#45.

kursiggan ayaa waxaa horay ugu fadhiyey wasiirka batroolka cabdirashiid Maxamed Axmed kaasoo shaaciyay in uu heshiis la galay shirkad dhinaca batroolka.

Hase yeeshee waxaa heshiiskaas isku aragti ka noqday Madaxweynaha Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Kursigan oo ay doorashadiisu ka dhacday magaalada Baraawe ayaa waxaa la shaaciyey inuu ku guuleystay nin lagu magacaabo Maxamuud Axmed Maxamed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More