Erdogan oo war kasoo saaray weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Ankara

Oct 02 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii sheegay in “argagixisada” aysan marna ku guuleysan doonin hadafkooda, saacado kadib markii qarax ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee Ankara uu dhaawacay laba sarkaal oo boolis ah.

Qaraxa xooggan ee ka dhacay bannaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo uu xigay holac ballaaran, ayaa waxaa laga maqlay dhowr km ka baxsan goobta weerarka.

Mas’uuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay Kooxda Kurdish-ka ee PKK, oo Turkey iyo xulufadeeda Reer Galbeedka ay u aqoonsan yihiin argagixiso, taasi oo sanado badan wadday dagaal muqaawo oo ka dhan ah Ankara.

Degmada la beegsaday ayaa hoy u ah dhowr wasaarado oo kale iyo baarlamanka Turkey, oo shalay galab dib loo furay, islamarkaana qorshuhu ahaa in Erdogan uu khudbad ka jeediyo.

“Xaasidka khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta ma aysan gaarin hadafkooda, waligoodna ma gaari doonaan,” ayuu Erdogan u sheegay baarlamaanka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka fuliyey ay abaare 9:30 am gaari ganacsi ku yimaadeen “albaabka laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayna fuliyeen weerar bam.”

“Mid ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyey. Kan kale waxaa dilay xabbad madaxa looga dhuftay kahor inta aanu helin fursad uu isku qarxiyo,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ali Yerlikaya.

“Laba ka mid ah saraakiisheena booliska ayaa si fudud ugu dhaawacmay rasaas la is-weydaarsaday, hase yeeshee noloshooda halis kuma jirto,” ayuu ku daray.

Bayaan ay siiyeen wakaaladda wararka ANF, oo ku dhow dhaqaaqa Kurdish-ka, ayey PKK ku sheegtay “In fal naf hurnimo ah lala beegsaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkey.”

Kooxda PKK ayaa tan iyo 1984-kii waday muqaawo ka dhan ah dowladda Turkiga, oo galaafatay nolosha tobanaan kun oo qof.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More