Hirshabelle oo ka hadashay Al-shabaab gudaha u galay deegaan hoos taga degmada Mahadaay

Oct 02 (Jowhar.com)-Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay dagaallo ka dhan ah al-shabaab ka socdeen deegaanno ka tirsan Hirshabelle iyo kuwa kale, ayaa al-shabaab waxay haatan soo galeen deegaan hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada dhexe oo todobaadkii u dambeeyay ay ka soo gudbayeen dhanka Webiga.

Milateriga Soomaaliya iyo ciidamada deegaanka ayaa howlgallo ka fuliyay degaankaas, waxaana la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay shabaab ciidamadaas kala kulmayeen dagaallo toos ah iyo duqeymo.

Wasiirka amniga Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay iney hayaan xogta xubnahan Shabaabka ah, wuxuuna ku goodiyay iney guluf ka dhan ah qaadi doonaan, isagoo ciidamada faray iney feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Si kastaba, Gobolada Sh.dhexe iyo Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida ba’an loogu laayay Shabaab, waxaana laga qabsaday dhul balaaran oo ay kooxdaasi gacanta ku heysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More