Ergeyga dowlada Qadar Mutlaq Al Qahtani oo gaaray magaalada Hargeysa

Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al Qahtani ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland.

Dr Mutlaq Al Qahtani ayaa waxaa ku soo dhoweeyay magaalada Hargeysa isla markaana qaabilay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cusmaan.

Lama oga ujeedka booqashada uu ku tegey Al Qahtani magaalada Hargeysa hase yeeshee waxaa la filayaa in ergeygan uu u soo gudbo caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho,

Maamulka Somaliland ayaa waxaa uu xiriir dhow la leeyahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta oo mashaariic badan ka hirgelinaysa Somaliland sida dayactirka dekeda Berbera.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More