Farmaajo oo ku wareejiyay Ra’iisal Wasaare Rooble hoggaaminta doorashada iyo amniga

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ayaa waxa lagu sheegay in uu ra’iisal Rooble Maxamed Xuseen Rooble uu hoggaamin doono doorashada iyo amniga.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in Ra’iisul wasaare Rooble uu hoggaamin doono diyaarinta iyo amniga sidoo kale fulinta qorshaha sida waafaqsan dastuurka waxaa iska leh ra’iisal wasaaraha.”

Madaxweynaha ayaa xukuumadda faray inay howshaas baaxadda leh u hoggaansamaan ayna tahay mid Ummada Somalia oo dhan ka sugeyso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More