Faahfaahin ka soo baxaysa dil ka dhacay saaka magaalada Muqdisho

Meydadka labo ruux oo aan la aqoonsan ayaa saaka lagu arkay xaafada Xamar Jadiid ee magaalada Muqdisho.

Meydadka labadan ruux oo la sheegay inay ahaayeen dhalinyaro ayaan la ogeyn goorta la diley iyo weliba meesha lagu diley.

Dadka degen halka lagu arkay meydadka ayaa sheegay inay deegaanka ayaa sheegay in ay aqoonsan waayeen wiilashan dhalinyarada ah ee goobtaasi la soo dhigey.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida oo gaaray goobtaas ayaa ka qaaday meydadka dhalinyaradan la dilay, lamana oga ilaa hadda waxa ay ahaayeen dhalinyaradaaai la dilay iyo cida dilkooda ka dambeysay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid aan wanaagsanayn maalmihii la soo dhaafay iyadoo shalay oo kaliya siddeed ruux si kala gaar gaar ah loogu diley magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa bilaabay xalay howlgalo ay ka sameynayaan xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More