Faahfaahin ka soo baxaysa duqeyn ka dhacay gobolka Hiiraan

Aug. 09 (Jowhar.com)-Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhacay hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo lala beegsaday tuulada Mukayle oo galbeed ka xigta magaalada Buulobarde ee gobolka Hiiraan.

Warbaahinta dawlodda ayaa sheegtay in la bartilmaameedsaday garaash ay yaallaan waxyaabaha qarxa ee kooxda.

Waxaa la sheegay in Garaashka lagu diyaarinayey waxyaabaha qarxa, halka baabuurtana ay qaraxyo ka buuxeen, sida uu sheegay telefiishanka ku hadka codka dawladda Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa dawladdu sheegtay in lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo aan tiradooda la cayimin.

Dawladdu waxay sheegtay in hawlgalkan ay wada fuliyeen ciidamada dawladda iyo saaxiibada caalamka, taasi oo inta badan iftiminaysa in dhinaca cirka laga saaciday ciidamada dawladda.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga degmada Buulo-Burde ayaa Risaala u sheegay in duqeymaha lala beegsaday dhul howd ah oo ay isku aruursanayeen dagaamayaal katirsan Al-Shabaab, isla markaana khasaaro lagu gaarsiiyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Mukeyga ayaa sheegaya in duleedka degaankaas ay howlgallo xoogan ka wadaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More