Faahfaahin ka soo baxaysa duqeyn ka dhacday deegaanka Saaxa Weyn

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Africa AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay ka geysteen deegaanka Saaxa Weyne ee gobolka Bay ay ku dileen illaa shan ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

Qoraal uu soo saaray AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay iska kaashadeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya aysan wax qasaare ah ka gaarin dad rayid ah.

“Duqeyntan oo la fuliyay 7da bisha Janaayo 2021 ayaa lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyaal ALshabaab oo caan ah kuwaasoo fududeynayay dhaqaalaha, hubka, dagaalamayaasha iyo waxyaalaha qarxa, waxaana mid ka mid ah lagu tuhunsan yahay inuu ka qeybqaatay weerarada lagu qaado ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida.” Maj. Gen. Dagvin Anderson oo taliyaha howlgalada Quartz.

Duqeyntan ayaa noqonaysa mid ka mid ah kuwa ay geysteen howlgalada la magac baxay Quartz kuwaasoo taageeraya cidamada Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM iyo ciidamada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More