Faahfaahin ka soo baxaysa ganacsade caan ahaa oo lagu diley magaalada Muqdisho

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa maqribnimadii caawa ku dishey meel ku dhow garaashka macalin Nuur ee degmada Dharkeynley allaha u naxariistee Cali Cabdiqaadir Muudey oo ahaa nin dhalinyaro ah oo caan ka ahaa degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley.

Allaha u naxariistee Cali Cabduqaadir Muudey ayaa ku sii jeeday masjid si uu salaada Maqrib ugu soo tukado hase yeeshee mid kamid ah dadkii ka dambeeyay dilkiisa ayaa u suurtogashay ciidamada booliska inay ka dabatagaan oo ay dilaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ayaa sheegay in ciidamadu ay u suurtogashay inay helaan guri uu ku dhuuntay gacan ku dhiiglihii dilka geystey kadib markii uu la dagaalamay ciidamada ay halkaas ku dileen balse ay badbaadeen dadkii shacabka ahaa ee guriga ku noolaa.

Dilalka loo geysto dadka muhiimka ah u ah bulshada ayaa ku soo kordhaya magaalada Muqdisho iyadoo shalay lagu diley degmada Yaaqshiid mid kamid ah nabadoonada caanka ka ahaa degmada Yaaqshiid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More