Faahfaahin ka soo baxaysa Howlgalo ciidamada Puntland ka sameeyeen buuraha Golis

Wararka kaa imanaya Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen dhulka buuraleyda silsiladda Golis ee ka tirsan Gobolka Bari.

Howlgalka ciidamada ay sameeyeen ayaa la sheegay in lagu burburiyey saldhigyo ay ciidamada Al-Shabaab ku lahaayeen buuraleyda Golis.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada howlgalka sameeyey ayaa sheegay inay qabteen waxyaabo qarxa oo ay diyaarinayeen kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa lagu diley dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa dhulka Buuraleyda ee howlgalka lagu sameeyay sida ay sheegeen saraakiil Milatari ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa saldhigyo waaweyn ku leh Buuraleyda Golis waxayna marar badan halkaas kasoo qaadeen weeraro culus. Sidoo kalana waxaa halkaas ku dhuumaaleysanaya dagaalyahano ka tirsan Daacish.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More