Faahfaahin ka soo baxaysa Madaafiic ku dhacday Muqdisho

Waxaa soo baxaya madaafiic ku dhacday saaka waaberigii xaafado ka mid ah degmooyinka Boondheere iyo Xamarweyne magaalada Muqdisho.
Wararka waxaa ay sheegayaan in illaa saddex madfac ay ku dhaceen xaafado ku dhow Madaxtooyada.
Illaa labo ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen madaafiicdan halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

laamaha Ammaanka Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin hoobiyeyaasha saaka Salaadii Subax kusoo dhacay Xaafado katirsan degmooyinka Boondheere iyo Xamarweyne.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More