Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ay ku dhinteen inkabadan 20 carruur ah oo ka dhacay Shabelaha Hoose

Wararkii u danbeeyay weerar qaraxyo ku bilowday oo Shabaab ku qaaday deegaan ka tirsan Sh.Dhexe

June. 09 (Jowhar.com)- Illaa 22 carruur ah oo shan ka mid ah ay ahaayeen gabdho ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacaymaanta deegaan ka mid ah degmada Qoryooley ee gobolka Shabelaha Hoose.

Carruurtan ayaa la sheegay inay ku ciyaarayeen meel barxad ah oo ku taal deegaanka Muraale oo u dhexeeya Qoryooley iyo Janaale,waxaana ku qarxay bam la sheegay inuu halkaas yiil. Carruurta ku dhimatay qaraxaas ayaa la sheegay in afar ka mid ah ay ahaayeen walaalo.

Deegaanka uu qaraxan ka dhacay ayaa la sheegay inay ka taliyaan dagalamayaasha Alshabaab mana jirto wax war ah oo ka soo baxay kooxda Alshabaab.

Guddoomiyaha degmadda Qoryooleey Ibraahim Malabow ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay hubka carruurta ku qarxay meesha dhigeen.
Waxyaalaha qarxa ayaa looga tagaa deegaanada ay ku dagaalamaan ciidamada dowlada iyo Dagaalamayaasha Alshabaab,waxaana ka dhasha mararka qaarkeed qasaare soo gaara dadka rayidka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More