Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay magaalada Bardaale

Waxaa soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay suuq lagu iibiyo qaadka magaalada Bardaale ee gobolka Bay ee dowlad goboleedka Koofurgalbeed.

Ugu yaraan toddoba ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay, 10 kalena waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxan maanta ka dhacay magaalada Bardaale.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu dhacay xilli dad badan ay ku sugnaayeen suuqa lagu iibiyo qaadka iyadoo qaar ka mid ah dadka dhintey ay yihiin haween.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Bardaale hase yeeshee waxaa ay wararku sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid meesha lagu sii diyaariyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More