Faahfaahin Qarax ay askar ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Jowhar

April 23 (Jowhar.com) -Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhimatay mid kalana waa uu ku dhaawacmay kadib markii ay miino kula qaraxday bar koontarool oo ku taal galbeedka Magaalada Jowhar.

Qaraxan oo dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa lala beegsaday askar ka tirsan ciidamada booliska ee magaalada Jowhar kuwaas oo ku sugnaa barta koontarool oo ku taal suuqa xoolaha ee magaalada Jowhar.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada booliska magaalada Jowhar hase yeeshee waxaa uu qaraxan ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Jowhar ay weli ka socoto ololaha doorashada qaar ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More