Rooble oo soo dhaweeyay doorashada ka dhacday Ceel-Waaq

April 23 (Jowhar.com) -Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay doorashada ka dhacay magaalada Ceel Waaq taasoo lagu soo doortay illaa 16 xildhibaan.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa loogu hambalyeeyay Gudiga hirgelinta doodashooyinka Heer fededaal iyo gudidda Doorashooyinka Jubaland ee soo dhamaystirey doorashada Jubbaland.

”Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale Hambalyo u diray xildhibaannada cusub ee la doortay, isagoo u rajeynayey in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More