Faahfaahin qarax ka dhacay goor dhow magaalada Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada xarunta u ah gobolka Bari ee Boosaaso ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu ka dhacay goor dhow bartamaha magaalada Boosaaso iyadoo qaraxaasina uu sababay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo aan la ogeyn waxa uu ka dhashay ayaa waxa uu ka dhacay goob ganacsi,waxaana ku dhintey afar ruux halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxan iyadoo la ogyahay magaalada Boosaaso dhawaan ay ka dhaceen dagaal sababay qasaare xoog leh.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Boosaaso iyo kan dowlad goboleedka Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More