Fahad Yaasiin dacwo ka dhanka guddiga FEIT u gudbiyay Maxkamadda Sare

April 10 (Jowhar.com)- Lataliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Fahad Yaasiin ayaa gudbiyay dacwo ka dhan ah guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, isagoo u heystay in sifo aan sharci eheyn ay ugu dhegan yihiin kursigiisa HOP#086 oo dhawaan loogu soo doortay Baladweyne.

Dukumintiyo la helay ayaa muujinaya in Fahad Yaasiin oo qabsaday qareen u dooda uu dacwadiisa u gudbistay maxkamadda sare ee dalka, isagoo ka dalbaday iney soo fara geliso arrintan, si go’aan kama danbeys ah ay uga sii saarto.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa hore u diiday doorashada kursiga Faahd Yaasiin, iyagoo sabab uga dhigay iney marka hore hakiyeen qabashada doorashada kursigaas, taasoo ay iska diideen guddiga doorashooyinka SEIT ee Hirshabelle, iyadoo sidaasna lagu qbatay doorashadaas.

Dacwadda Fahad ayaa ka dhigan mid gebi ahaanba baal marsan heshiiska doorashooyinka dalka, kaas oo dhigaya in dacwadda iyo cabashooyinka dhanka doorashada ah loo gudbinayo guddiga xalinta khilaafaadka, walow Guddigaas uu horey u fasaxy kursiga Fahad, hayeeshee ma jirin kiis dacwad oo dhanka Fahad uga yimid, taasi oo sax ahaanshaha iyo sharciyadda go’aankooda mugdi gelisay.

Si kastaba, dadka qaarkii ayaa la yaaban talaanada uu qaaday Fahad Yaasiin oo Shantii sano ee la soo dhaafay oo la baal maray wax kasta oo Qaanuun iyo Dastuur oo dalku lahaa uu maanta marka xanuunka la dareemay dib loo soo xusuustay in dalku leeyahay Maxkamad iyo Hey’addo Sharci oo loo caban karo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More