Fahad Yaasiin oo la guddoonsiiyay Shahaadada Musharaxnimo ee Kursiga HOP#086

Guddiga Maamulka Doorashada Dowlada HIRSHABELLE (SEIT) ayaa Shahaadada Musharaxnimada Gudoonsiiyay dhamaan Murushixiintii u Tartamaysay kusaastii guddigu shaaciyay taariikhdu markii ay ahayd 15/02/2022.

Guddigan oo aan shaacin magacyada musharaxiinta u tartamaysa lixdan kursi, ayaa hase ahaatee waxaa ka mid ah Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo gaaray maanta magaalada Beledweyne, halkaasoo maalinta berri la filayo inuu ka soo qaato Kursiga #HOP086 oo uu sideedii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Faarax C/qaadir.

Fahad ayaa la aaminsan yahay inuu kursigan u doontay si uu ugu helo Xasaanad uu gabbaad ka dhigto, ugana sii mid ahaado Siyaasadda, waxaa la hadal hayaa inuu isku sharaxi doono xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, kaasoo ah bilowga isku dayga ay dowladda Qatar ku dooneyso in saameynteeda siyaasadeed ee Arrimaha Soomaaliya ku sii xoojiso.

Musharixiinta shahaadada gudoomay ayaa u tartamaya kuraasta hoos ku xusan;
HOP#008
HOP#015
HOP#074
HOP#086
HOP#109
HOP#274.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More