Wasiirka Batroolka oo shaaciyay in uu saxiixay heshiis 7 Xirmood oo shidaal ah

Wasiirka Batroolka C/raahiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay inay la saxiixdeen Shirkadda Coastline Exploration LTD (Ex SOMA OIL) 7 xirmood oo shidaalka ah, isagoo sheegay inuu ku garab siiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Inkastoo horay Xukuumadda ku dhawaaqday in aan wax heshiis ah la geli karin inta lagu guda jiro xilli kala guur ah ayaa waxaa muuqata in qorshaha lagu suuq geynayo xirmooyinka shidaalka ee horay loo sahmiyay uu yahay mid dhaqaale lagu raadinayo, gaar ahaan ololaha dib u doorashada Farmaajo.

Waxaa horay u jirtay in Madaxweyne Farmaajo in marar badan uu sheegtay in uusan wax boob ah samaynin, laakiin arrintan ayaa noqon karta fadeexad wayn oo lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo xilli doorasho lagu guda jiro.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More