Fanaanadii Seynab Xaaji Cali Baxsan oo Muqdisho ku geeriyootay

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay maanta fanaanadii caanka ahayd Seynab Xaaji Cali Baxsan oo sanadihii la soo dhaafay xanuunsanaysay.

Seynab Xaaji Cali Baxsan ayaa ka mid ahayd fanaaniintii faro ku tiriska ahaa ee aan ka bixin magaalada Muqdisho tan iyo burburkii dowladii hore ee Siyaad Barre.

Siihayaha Wasiirka warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xaqiijiyay geerida marxuumada Seynab Xaaji Cali Baxsan.

Sanadkan aynu ku jirno ayaa waxaa dhintey fanaaniin ay ka mid ahaayeen Cumar Cabdulle Shooli,Cabdi Tahliil Warsame,Daa’uud Cali Masxaf iyo qaar kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More