Faysal Cali Waraabe “Farmaajo wuu saxnaa markii uu isku dayay inuu dilo CC Shakuur”

Apr. 30 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo shalay Somaliland ku eedeeyay duulaanka ay ka wado magaalada Laascaanood.

Mr.Waraabe oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa C/raxmaan C/Shakuur ku tilmaamay inuu yahay nacas wayn, isagoo si xooggan uga carooday sida xildhibaanka uu u dhigay kiiska Laascaanood oo mudo ka badan saddex bilood uu dagaal ka socdo.

Waxa uu intaas ku daray in madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ku saxnaa markii uu isku dayay inuu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horay loogu weeraray gurigiisa.

“Farmaajo wuu saxsana markii uu isku dayay in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waa nacas wayn” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo u muuqday in uu ka carooday qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ku dhaliilay qaabka xukuumada Somaliland uga jawaabtay kacdoonka Laascaanood.

Faysal Cali Waraabe ayaa ah siyaasi xukuumada Somaliland aad u mucaarada, wuxuuna marar badan madaxweynaha ku eedeeyay in uu isagu sabab u ahaa dhibaatada ka dhacday magaalada Laascaanood, laakiin waxa uu kasoo horjeeda in Somaliland ay ka baxdo gobolka Sool.

Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysaa xaalado adag oo isbiirsaday sida daagaalka ka socda magaalada Laascaanood iyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay doorashooyinka oo ay weli isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda maamulkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More