Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay magaalada Beledweyne

Feb. 17 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga heklayaa dil xalay kooxo bistoolado ku hubeysan ay ka geysteen magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dilka oo si gaar ah uga dhacay maqaaxi ku taalla xaafada Xaawo Taako, gaar ahaan laanta Nuur Xawaad ayaa loo geystay nin ganacaade ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Cawaale oo loo yaqaanay Toor-toor.

Dilka kadib shacab fadhiyay maqaaxida ayaa isku dayay iney qabtaan danbiilayaasha, balse waxey isaga rabeen ilaa saddex bambo taasoo dhalisay iney si fudud ku baxsadaan.

Ciidamadda amaanka ayaa daqiiqado kadib gaaray goobta, iyagoo sameeyay howlgal aan wax natiija ag ka dhalan, waxaana jiray rag laga shakiyay oo la soo qabtay, walow markii danbe lasii daayay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilka ganacsade Toor-toor, waxeyse kusoo beegantay xili kooxda ay culeys soo saartay ganacsatada oo dooneysa iney ka qaadato lacagaha sharci darada ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More