General Indhocadde oo ka digey shirqool lagu qaarijinayo Xasan Sheekh iyo C/maan Cabdishakuur

Mar 25 (Jowhar.com)- Jen. Yuusuf Max’ed Siyaad Indha-cadde ayaa ka digay qorshayaal lagu doonayo in lagu qaarijiyo xubno ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Indhacadde oo wareysi siiyay radio Kulmiye ayaa sheegay in qorshayaal badan oo la doonayo in lagu qaarijiyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda Farmaajo oo isagu ka mid yahay.

“Waxaa toddobaadka soo socda la qorsheeyay weeraro loo adeegsanayo qaraxyo oo loo diyaariyay Madaxweyne hore Xasan Sh Maxmuud iyo C/raxmaan Shakuur iyo shaqsiyaad kale oo anigu ku jiro Si loo qaarajiyo xogtaasna ilo lagu kalsoon yahay ayaan helay” ayuu yiri indhacadde.

General Indhocadde oo ka hadlay dilka Aamino Maxamed Cabdi ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ay ka danbeeyeen dowladda federaalka iyo laamaha amniga.

Waxa uu Generalku sheegay inay jireen weeraro isku xiran oo lagu doonayo in lagu aamusiyo dadka waxgaradka ah isagoo soo hadalqaaday dilkii agaasimihii hore ee Radio Muqdisho C/siis Afrika iyo weerarkii garoonka Aadan Cadde.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More