General Odowaa oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qadar

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Qatar u jooga Soomaaliya Danjire Xasan Xamza Assad.

Kulankan ayay labada mas’uul waxa ay ugaga wadahadleen xoojinka xiriirka labada dhinac iyo dardargelinta taageerada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.d

Taliye Odowaa ayaa safiirrka la wadaagay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in la dhiso awood ciidan oo tayo leh si buuxdana ula wareega sugida amniga guud ee dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More