Guddiga Xalinta khilaafadka oo 25 kursi oo uu khilaaf ka jiro u gudbinaya Golaha Wadatashiga Qaran

Mar 29 (Jowhar.com) – Guddiga Xallinta Khilaaf Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray kuraasta Golaha Shacabka ee cabashada ka taagan tahay, kuwaas oo qaarkood ay u gudbinayaan Golaha Wadatashiga Qaran.

Qoraal uu soo saaray guddigan ayaa waxa ay ku soo bandhigeen cabashooyinka rasmiga ee ay go’aanka ka gaareen, Dacwadaha dib ay ula noqdeen Soo Dacwoodayaashu, cabashooyinka aan saxsanayn iyo 25 dacwo iyo wixii ku soo kordha kuwaasoo loo gudbinayo Gollaha Wadatashiga Qaranka marka ay soo idlaadan kuraasta Doorashooyinkoodu dhiman yihiin.

Kuraasta 25ka ah ee ay shaaciyeen guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waxaa ay ku sheegeen inay yihiin kuwo aan buuxin shuruudihii habracyada doorashooyinka.

Hase yeeshee guddigu ayaan soo bandhigin 25ka kursi ee ay u gudbinayaan Golaha wasatashiga Qaran ayna soo bandhigi doonaan tirsiga kuraasta marka ay soo dhamaystirmaan kuraasta golaha shacabka ee aan weli la dooran.

Sidoo kale guddiga ayaa waxa ay ku tilmaameen 25ka kursi ee ay u gudbinayaan golaha wadatashiga qaran inay yihiin kuwo xuquuq badan lagu tuntay sida da’ada,kuraas dumar oo aan la buuxin,ishoristaag siyaasadeysan oo lagu sameeyay muwaadiniinta qaarkood sida ka horistaagid inuu u safro deegaan doorasho iyo kuraas laga wareejiyay jufadii lahayd.

Qoraalka ay soo saareen guddiga ayaa u qornaa sidan:-

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More