Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka oo goobjoog ka noqonaya

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dadban Mudane Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay safar shaqo u aaday magaalada Baraawe ee Dowlad Goboleedka Konfurgalbeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 3 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka BFS ee ka dhici doonta Magaalada Baraawe.

Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa sheegeen in Guddigu uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee golaha shacabka BFS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More