Jadwalka Doorashada Shan Kursi oo ka tirsan Golah Shacabka oo la shaaciyay

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanadda gollaha shacabka ee matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooranayo Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashjada gobolada Waqooyi ayaa lagu shaaciyay in doorashada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#241, HOP#263, HOP#240, HOP#271, HOP#205 la qabanayo 10-ka bishan oo ku beegan maalinta khamiista.

Shantan kursi ayaa hore ugu fadhiyay afartii sano;

HOP#241 C/saaq Daahir Maxamuud
HOP#263 Muuse Siciid Jaamac
HOP#240 Suuri Diiriye Carab
HOP#271 C/maan Maxamud Caateeye
HOP#205 Sahro Cabdqaadir Cabdraxman

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More