Guddoomiye kuxigeenka FEIT oo war ka soo saaray dhaarinta xildhibaanada

April 11 (Jowhar.com)- Guddoomiye kuxigeenka guddiga doorashooyinka heer federal Mowliid Mataan ayaa ka hadlay halka ay mareyso munaasbaada dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo lagu balansan yshay in 14-ka bishan xerada Afisyooni lagu dhaariyo mudanayaashan.

Mowliid oo suxufiyiinta kula hadlay xarunta guddiga oo ah halka ay ka socoto shahaado siinta xildhibaanada ayaa sheegay inuu socdo diyaar garowgii u danbeeyay ee dhaarinta, wuxuuna raja wanaagsan ka muujiyay in jadwalkooda aysan waxba iska bedelin oo uu sidiisa u dhaqan galo.

Guddoomiye kuxigeenka guddiga doorashooyinka heer federal Mowliid Mataan ayaa dhinaca kale ugu baaqay Xildhibaannada aan weli Shahaadada qaadan inay yimaadaan halka ay howsha ka socota, isla markaana ay qaataan Shahaadada iyo kaararka aqoosniga si dalka uu uga baxo xaaladda cakiran ee xilligaan kajirta.

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa iska diiday iney qaataan shahaadada, iyagoo shuruud uga dhigay in la fasoxo kuraasta ay xanibeen guddiga doorashada kuwaasoo saddex kamid ah lagu soo doortay Baydhabo iyo midka Fahad Yaasiin ee Beledweyn, sidoo kale xubnihii NISA ee baarlamaanka ku soo biiray ayaa iyaguna dhankooda diidan qaadashada shahaadada inta uu maqan yahay kursiga Fahad Yaasiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More