Gudoomiyaha Aqalka Sare oo digniin u diray taliyayaasha ciidamadda

May 07 (Jowhar.com)–Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in Kulankan oo dawiiqado kooban socday diirada lagu saaray adkaynta sugidda Amniga Doorashada iyo midka guud ee Dalka.

Cabdi Xaashi ayaa saraakiishan ku amaanay kaalinta ay ka qaadanayaan sugida amniga guud ee dalka, wuxuu si gaara isu dul taagay doorkii ay ku lahaayeen in si nabad ah ku soo idlaato doorashadii gudoonada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Jeneraal Odowaa iyo Jeneraal Xijaar ayaa gudoomiyaha Aqalka Sare u balanqaaday in saraakiisha iyo askarta ciidamada Milatariga iyo Booliska aysan ku milmin arrimaha siyaasada oo ay si isku mid ah ugu adeegi doonaan musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee dalka.

Si kastaba, Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili maalinimada beri ah ay bilaabaneyso diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo doorashada loo balansan yahay 15-ka bishan May oo ku beegan Axada todobaadka danbe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More