Senator C/qani Geele oo loo doortay gudoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha

May 05 (Jowhar.com)– Waxaa goordhow xarunta Villa Hargeysa lagu soo gaba gabeeyay doorashada gudoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ay ku tartameen xildhibaano ka kala socotay golaha shacabka iyo aqalka sare.

Sida wararka sheegayaan, Senator Cabdiqani Geele Maxamed oo aqalka sare ku metela Puntland ayaa ku guulaystay Xilka Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ee qabanqaabada doorashada Madaxwayna kadib markii uu helay 10 cod, sida guddiga doorashada ay iclaamiyeen.

Xildhibaan Maxamed Axmed beereey oo ah mudane ka tirsan golaha shacabka oo ka soo galay Hirshabelle ayaa helay 5 cod, halka Senator Cabdi Ismaaciil samatar oo Aqalka sare ku metela Somaliland uu helay 2 Cod.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed keerow Maxamed ayaa ku guulaysay xilka Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya doorashada madaxwaynaha JFS kadib markii uu helay 9 Cod, halka Xildhibaan Maxamed ibraahim Macalimoow oo la tartamayna uu helay 7 Cod

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo labada Xoghaye ee Baarlamaanka ayaa goob joog ka ahaa doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More